Baydhabo ( Raxanreeb Online) Wararka anu ka helyno gobolka Baay, ayaa sheegaya in kooxda Al-shabaab ay weerar madaafiic ah ay xalay ku qadeen deegaanka Burujeed oo kamid ah deegaanada hoostaga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Deegaanka Burujeed, ayaa waxaa saldhig weyn ku leh ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed, waxaana uu deegaankaasi uu yahay mid si weyn looga ilaaliyo amniga magaalada Baydhabo.
Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in saqdii dhexe ee ay xalay mar qura ay ku soo kaceen daryanka madaafiicda oo ku dhacaya saldhiga ciidanka ee deegaanka Burujeed, balse aysan ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ay geysteen.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ee ku aadan khasaaraha ka dhashay madaafiicda.
Ma ahan markii ugu horeeysay oo ay Al-shabaab weerar madaafiic ama dagaalk toos ah ku qadaan saldhigga ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ay ku lee yihiin deegaanka Burujeed ee gobolka Baay.
Leave a Reply