NISA Ma waxay tijaabinaysaa sharciga ay meelmarsatay ?

NISA Ma waxay tijaabinaysaa sharciga ay meelmarsatay ?

Muqdisho (Raxanreeb ) Hay’adda NISA ayaa goor habeen ah waxay ay weerar ku qaatay , guri uu Muqdisho ka degan yahay ganacsade caan ka ah caasimadda.

Ciidanka ayaa howlgal gaar ah iyo weerar ku qaaday guriga Xaaji Ibraahim Macallin ( Ibraahim Kaah)

Rasaas ayaa laga maqlayay guriga ganacsadahan , mase ahayn mid is waydaarsi ah waa mid la sheegay in ay adeegsanayeen ciidanka NISA.

Ciidamada ayaa baaritaan ku sameeyey guriga Xaajiga, lama oga waxa ku qasbay NISA inay weeraraan baaritaanna ku sameeyaan guriga ganacsade la yaqaanno.

Saraakiisha Hay’adda nabad sugida Qaranka ma aysan ka halin weerarkan ay ku qaadeen guriga ganacsadahan ( Ibraahim Kaah).

Dad badan ayaa ku tilmaamay weerarkan mid , Hay’adda nabad sugidda ay ku dabrayso xeerka ay meelmarsatay labada aqal , saxiixayna Madaxwaynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Arrinta ayaa imaanaysa xilli madaxweyne Xasan Sheekh uu dhawaan saxiixay Sharciga NISA oo mamnuucaya falalka nuucaan ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.