Garoowe (Raxanreeb ) Maamul Goboleedka Puntland , ma uusan ka qayb galin shirar dhawr ah oo looga hadlayay , Geedi socodka & dowlad dhiska dalka kuwaas oo qayb ay ka ahaayeen Dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.
Xubno ka tirsan beesha ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxa uu kulan ku dhaxmaray Madaxwaynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ay ka wada- hadleen dhamaynta muranka kala dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Shirkii ugu danbeeyay , ee ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa ugu danbeeyay shirarkii aysan ka qayb galin Madaxwaynaha Puntland Saciid Dani , kaas oo daaha- ka rogay heerka khilaaf ee Dowladda Federaalka iyo Puntland.
Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay inuu jiro cadaadis Puntland lagu saaray in ay qayb ka noqoto shirarka looga hadlayo geedi socodka dowlad dhiska Soomaaliya.
“Cadaadis cid walba waa la saarayaa waligeeba waa la saari jiray ama siyaasi ha ahaato ama dowlad xubin ka ah dowlad, dowladda federaalka,” ayuu sheegay Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir
Wasiirka oo sii hadlaya ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay wada- hadal kasta oo lagu dhameeynayo , tabashooyinka jira ee sababay in aysan ka qayb ahayn shirarka looga hadlayo aayaha dalka iyo Dowlad dhiska.
Puntland ayaa dooddeedu tahay in marka hore wax la kala leeyahay marka ay timaaddo awoodaha uu qeexayo dastuurka federaalka laga wadahadlo oo la dhammeystiro. Qodobbada ay puntland ku dhegga ntahay waxaa ka mid ah qaybsiga khayraadka.
Leave a Reply