Odinga oo cadeymo uu ku wado gaari xamuul ah gaynaya Maxkamada Sare

Odinga oo cadeymo uu ku wado gaari xamuul ah gaynaya Maxkamada Sare

Nairobi (Raxanreeb) Raila Odinga,  oo  loogu awood roonaaday doorashadii ka dhacday Dalka Kenya ayaa Maxkamadda Sare Kenya u gudbinaya dacwad ku saabsan doorashada.

Odinga oo diiday guusha Madaxweyne  Willian Ruto uu ka gaaray doorashadii dhacday 9-kii August isaga oo helay 50.55 halka Odinga uu helay 48.8%

Waxa uu sheegay Mr Odinga in  natiijada doorashada ay shaaciyeen tiro yar oo  Guddiga doorashada ah , taas oo uu sheegay in ay tahay wax aan lagu qanci karin.

Taageerayaasha Mr Odinga ayaa dhowr jeer carqaladeeyay hanaanka xaqiijinta natiijada doorashada Kenya .

Kiiska Mr Odinga ayaa waxaa sii xoojinaya in afar ka mid ah todobada xubnood ee doorashada – oo ay ku jirto guddoomiye ku xigeenka Juliana Cherera – ay qaadeen tallaabo aan caadi ahayn oo ay ku diideen natiijada.

Dhanka kale hore Guddoomiyaha guddiga, Chebukati ayaa shalay sheegay in Ruto uu helay 50.49% codadka, halka Odinga uu ka helay 48.5%, sidaasna Ruto ku guuleystay.

Ku dhawaad 14 malyan oo qof ayaa codeysay doorashada Kenya ee Talaadadii aanu soo dhaafnay ka dhacday dalkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published.