Boosaaso (Raxanreeb )- Magaalada xeebta ah ee Boosaaso waxaa ku soo xiray markab wayn oo nooca dagaalka ah kaas oo howlgal balaaran ka fulin doona xeebaha dowlad goboleedka Puntland.
Howlgalka markabkan oo laga leeyahay midowga Yurub ayaa ah la dagaalanka iyo ciribtirka kooxda Burcadbadeeda oo markale dhibaatadooda ka soo ifbaxday deegaanada Puntland.
Markabkan soo gaaray xeebaha Puntland ayaa lagu macagaabo ESPS NUMANCIA waxaa uuna ka mid noqon doonaa maraabkiib midowga Yurub ee ka qayb qaadan doona dagaal burcadbadeeda .
Saraakiil ka socotay Markabkan iyo maamulka Puntland oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa isla soo qaaday ujeedka Markabkan dagaal iyo gacanta uu ka gaysan doono dagaalka burcadbadeeda.
Inta uu socday shirka saraakiisha labada dhinac ayaa la isla soo qaaday qiimaynta heerka burcadbadeeda ee deegaanada maamulkaas.
Agaasime Ku-xigeenka guud ee ciidamada PMPF Mudane Maxamuud Silaal Cumar oo ay weheliyaan saraakiisha sar-sare ee ciidamada PMPF ayaa kulan kula qaatay Badda dusheeda saraakiisha .
Si kastaba Markab dagaal ee yimid Puntland ayaa imaanaya iyadoo kooxaha burcadbadeedda Soomaalida weeraro ay ka geysteen xeebaha dalka iyo biyo fog ee caalamiga ah.
Leave a Reply