Puntland maxay u diiday shirkii Kismaayo ee maamul goboleedyada?

Puntland maxay u diiday shirkii Kismaayo ee maamul goboleedyada?

Kismaayo (Raxanreeb ) Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxaa  lagu soo gaba- gabeeyay shir ay lahayeen xubno ka socda maamul goboleeyada dalka.

Shirkan  oo maalmo ka socday magaalada Kismaayo , waxaa ka qayb galay  Wasaaradaha Amniga iyo Taliyeyaasha Booliiska ee Heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Miiska go’aanadan waxaa ka maqnayd maamul- goboleedka Puntland ilaa iyo hadda lama oga sababaha maqnaanshaha maamulka oo in muddo ahba aad u xumaa xiriirka kala dhaxeeya Dowladda Dhexe.

Inta uu socday waxaa laga soo saaray dhawr qodob oo la xiriira amniga iyo sidii maamul- goboleedyada ay isaga kaashan lahayeen arrimaha ammaanka guud ahaan dalka.

Shirka inta uu socday waxaa lagu magacaabay Guddiga Farsamo kuwaas oo ka shaqeyn doona qaybta 2aad ee Shirkaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.