Aadan Maxamed Nuur ‘’Jawaari Xaaladiisa Caafimaad way wanaagsan- tahay ‘’

Istanbul (Raxanreeb ) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magalada Istanbul waxa uu ku booqday Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka BJFS, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo arrimo caafimaad u jooga dalka Turkiga.

Jawaari ayaa guddoomiyaha golaha Shacabka warbixin ka siiyay xaaladiisa caafimaad iyo marxaladihii kala duwanaa uu soo maray intii uu ku xanuunsanaa Muqdisho iyo markii Turkiga loo soo qaaday kaddib

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa sheegay inuu Guddoomiye Jawaari xaaladiisa ay aad u wanagsan tahay islamarkaana uu caafimaad qabo waxa uuna Alle uga baryay inuu u siyaadiyo caafimaadkiisa.

Madax kala duwan oo isugu jirta kuwa hadda xil haya iyo masuuliyiin kale ayaa siyaabo kala duwan magaalada Istanbuul ugu booqday guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Jawaari oo arrimo caafimaad Turkiga loo geeyay.

Waxaa Jawaari  goor sii horeysay  loo qaaday dalka Turkiga si halkaas lagu soo dabiibo halkaas oo ay ku booqdeen masuuliyiin sar sare oo hoggaanka dalka soo qabtay sida Madaxwaynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Madaxdii kala duwanayd ee ibitaalka ku booqday  Proff  Maxmed Cusmaan  Jawaari ayaa sheegay in ay aad u wanaagsan tahay xaaladiisa , isla markaana uu ka soo kabanayo sidii markii hore uu ahaa , iyaga oo rejo  markaan ka qabo in dalkiisa uu ku soo noqon doono.

Ilaah caafimaad ha siiyee Dad badan oo la soo shaqeeyay Jawaari ayaa ku bogaadiyey aqoontiisa iyo sida uu dhidibadda ugu taagay Baarlamaanka Soomaaliya oo  mar ahaa  mid aan sal iyo tixraac lahayn.

Leave a Reply

Your email address will not be published.