Nigeria (Raxanreeb ) Gobolka Borno ee dalka Nigeria waxaa lagu soo waramayaa in lagu tilay dad kor u dhaafaya 25 sida ay sheegeen warbaahinta dalkaas.
Waxaa la sheegay in weerarkan ay ka danbeeyay kooxda Boko Haram ee ka dagaalama wadanka Nigeria oo sanado badan ka soo horjeeday maamulka jira.
Weerarka ayaa ka dhacay magaalada Kalluumeysiga ee Dikwa oo ku dhow goob ay ku xooggan yihiin kooxda Boko Haram.
Dowladda Nigeria ayaa sheegtay in ay aad ugu xun tahay weerarada rayidka lala beegsaday kuwaas oo ay sheegtay in si arxan darra ah ay u fuliyaan kooxda Boko Haram
Nigeria ayaa ka mid ah dalalka ay ka socdaan rabashadaha ay gaystaan –kooxaha islaamiinta ah.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in rabshadaha xagjirka ah ee tan iyo 2009-kii ay ku dhinteen in ka badan 350,000 oo qof ayna barakiciyeen malaayiin kale.
Leave a Reply