Maxaa ku cusub toogashadii ka dhacay magaalada Hamburg ee Jarmalka ?

Maxaa ku cusub toogashadii ka dhacay magaalada Hamburg ee Jarmalka ?

Hamburg (Raxanreeb ) In ka badan 10- qof ayaa   ku geeriyootay toogasho ka dhacay Kaniisad ku taala magaalada Hamburg ee dalka Jarmalka.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay  inay wadaan baaritaan la xiriira falkan iyo sida uu u dhacay isla markaana ciidamo fara badan ay geeyeen – halka  toogashadan ay ka dhacday.

Ilaa iyo hada lama xaqiijin cida ka danbeysay weerarkaasi mana jiro cid loo soo qabtay balse laamaha amaanka ayaa halkaasi ka wadaan howlgal aad u weyn.

“War xun ayaa ka imaanaya Hamburg,” ayuu RW Olaf Scholz ku soo qoray bartiisa Twitter-ka, isagoo ku tilmaamay weerarka “fal arxan darro ah”.

Dadka magaalada Hamburg ee dalka Jarmalka ayey booliska ka codsadeen ineysan guryohooda ka soo bixin, maadaama la baadi goobaayo dambiilayaasha aan wali la aqoonsan.

Bishii Febraayo 2020, nin hubeysan oo looga shakisan yahay inuu xiriir la leeyahay midigta fog ayaa sagaal qof oo ay ku jiraan muhaajiriin ka yimid Turkiga ku toogtay galbeedka magaalada Hanau.

Leave a Reply

Your email address will not be published.