Q.M “Nabadda iyo Ammaanka Afrika”- Dood adag.

Q.M “Nabadda iyo Ammaanka Afrika”- Dood adag.

NewYork (Raxanreeb )  Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan deg deg ah ka yeeshay xiisada u dhaxeeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya  ka dib dalab ay dirtay Dowladda Soomaaliya.

Golaha amaanka ayaa sheegay in  dhinacyadu looga baahan yahay in ay ilaaliyaan xasiloonida iyo nabadda taas oo daw u ah ammaanka guud ahaan qaarada Afrika.

Kulankan ayaa  ciwaan looga dhigay “Nabadda iyo Ammaanka Afrika”, iyadoo loo cuskaday walaac ku aaddan falalka ay Itoobiya ka waddo Geeska Afrika.

Kulanka degdeg ah ee Golaha Ammaanka ayaa udub dhexaad u noqon doono sidii wada-hadallo loo dhalin lahaa iyo sidii xiisadaha loo dejin lahaa inkastoo Soomaaliya diidey wadaxaajood.

Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar, ayaa ku tilmaamay Is-afgaradkaas mid xadgudub ku ah madax-banaanida Soomaaliya, isagoo yiri “Heshiiska waxaa la galay ogolaansho la’aanta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuuna si hufan u baalmarsan yahay Dastuurka dalka”.

Itoobiya waxay ku adkaysanaysaa mawqifkeeda sida ku cad warqad ay January 26-keedii u dirtay Golaha Ammaanka, waxayna ku doodaysaa in Is-afgaradku “uu dhabbaha u xaaraya in Itoobiya ay hesho marin badeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.