PAKISTAN : Maxkamad 10 sanno ku xukuntay Imran Khan.

PAKISTAN : Maxkamad 10 sanno ku xukuntay Imran Khan.

Islamabad (Raxanreeb ) Maxkamad si gaar ah loogu saaray Imran Khan ayaa ku xukuntay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan 10 sano oo xabsi ah, waxaa sidaas xaqiijiyey xisbigiisa.

Maxkamadan gaarka ah oo lagu sameeyey qaraarada qarsoon ee rasmiga ah ayaa ku dhawaaqday xukunka ay Khan iyo Wasiirkiisii hore ee Arrimaha Dibeda ugu riday xarigga 10ka sano ah.

Maxkamadan ayaa markii horena loo taagay in lagu dhageysto dacwadda kiiska caanka noqday ee ‘Cipher Case’ kaas oo lagu soo oogay Khan iyada oo la cuskanayo qodobka 1923 ee Qaraarada Qarsoon ee rasmiga ah, dacwadaas oo ku eedeysay Imran Khan in uu daaha ka rogay xog diblomaasiyadeed ee ay safaaradda Mareykanka ee Iskamabad u soo gudbisay Pakistan.

Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa sheegay in xogtaas ay xambaarsaneyd cadeymo ah in ninkii talada kala wareegay kaddib markii uu ku dhacay codka kaslooni kala noqoshada sanadkii hore in uu qeyb ka ahaa shirqool uu Mareykanku xukunka kaga ridayey iyo cabsi galinno kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published.