Hoobiyaal Gilgalay – Gobolka Banaadir + khasaaraha ka dhashay.

Hoobiyaal Gilgalay – Gobolka Banaadir + khasaaraha ka dhashay.

Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho waxaa qalgal ku abuuray   hoobiyaal dhawr ah oo ay  bar bar socotay qaraxyo ka dhacay meelo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Dadka  ku nool magaalada Muqdisho ayaa ku waabariistay , dhawaqa hoobiyaasah kuwaas oo qaarkood ku dhacay xaafado ay deganayeen dadka shacabka ah .

Madaafiicda ayaa xoogooda laga maqlayay degmooyinka Kaxda, Dharkeenley iyo Wadajir, waxa ayna ku dhaceen madaafiicdaasi xaafado katirsan degmooyinkaasi, iyadoona meelaha qaar la sheegayo in ay jiraan khasaaro.

Sida aan wararka ku helnay madaafiicda qaar ayaa lagu tuurayay xerada ciidamada Turkisom iyo sidoo kale goobo kale, waxa ayna inta badan madaafiicda ku dhaceen xaafado shacab iyo dhul bannaan.

Sawirro laga soo qaaday xaafadda ayaa muujinaya xaalad kacsanaan ah iyo burbur soo gaaray mid kamid ah guryaha ku yaalla xaafaddaas oo uu hoobiyuhu ku dhacay.

Ma cadda inta uu la’egyahay khasaaraha, balse waxaa weli socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeeladu soo gaartay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.