Maxaas (Raxanreeb ) Warar kala duwan ayaa ka soo – baxaya iska hor imaad khasaare gaystay oo ka dhacay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
Iska hor imaadkan ma ahayn mid dhaxmaray ciidanka Dowladda iyo kuwa Al- Shabaab taas bedelkeeda waxa uu dhaxmaray Macwiislay iyo ciidanka Dowladda Soomaaliya.
Askar ka tirsan Ciidanka Dowladda ee Maxaas ayaa toogtay ka dib muran soo kala dhaxgalay mid ka mid ah Macwiislayda ka mid ah dadka deegaanka taas oo keentay in iska hor imaad toos ah dhaxmaro.
Maamulka degmada Maxaas ayaa sheegay in laba nin oo dhinacyada dagaalamay ah ay ku dhinteen israsaaseynta, halka laba askari oo kale ay dhaawacyo fudud ka soo gaareen.
Tan iyo xalay waxaa degmada Maxaas ka socotay waan-waan xal loogu raadinayo gacan ka hadalkii dhex maray labada ciidan ee maleeshiyaadka hubka qaatay ee dadka deegaanka oo dagaal adag la soo galay Khawaarijta Al-Shabaab.
Degmada Maxaas waxaa fariisin u tahay ciidamo katirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa deegaanka sidoo kale degmadaasi horey u joogay ciidanka deegaanka beesha Xawaadle .
Leave a Reply