Xaaladda Wabxo ka dib ka bixitaanka ciidanka Dowladda Federaalka.

Dhuusamareeb (Raxanreeb ) Wararka ka imaanaya deegaaka Wabxo  ayaa sheegaya in ciidankii isaga baxay deegaankaas dib ay ugu laabteen degmada Maxaas  sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Deegaankaas hadda ma jiro wax ciidan ah oo ku sugan , sidoo kale lama sheegin  halka ay ku sugan yihiin  duleedyada deegaanka Wabxo  oo markii  hore laga saaray.

Sababaha ka bixitaanka ciidanka Dowladda ee deegaankaas ayaa lagu sheegay amar ka soo baxay Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Generaal  Odawaa Yuusuf Raage.

Talaabadan ayaa loo arkaa mid dhabar jabin karta howlgalada  ciidanka Dowladda iyo kuwa deegaanka ka wada deegaanada gobolada  Hiiraan , galgaduud iyo shabeellaha dhexe.

Dowladda Federaalka Soomaaliya wax faahfaahin ah ma aysan ka bixin ka bixitaanka ciidanka  Dowladda iyo kooxaha kacdoonka  deegaanka  Wabxo ee Gobolka Galgaduud.

Leave a Reply

Your email address will not be published.