Ruto oo doonaya in markale uu Shiinaha ka dalbado deyn hor leh

Ruto oo doonaya in markale uu Shiinaha ka dalbado deyn hor leh

Nairobi (Raxanreeb) Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa lafilayaa in dhamaadka bishan uu safar ugu bixi doono dalka Shiinaha si uu usoo amaahdo lacag dhan $1bn oo dollar si loo dhameystiro mashaariicdii dhismaha wadooyinka si uu sheegay kuxigenkiisa Rigathi Gachagua.

Sidoo kale, Rigathi Gachagua ayuu usheegay Warbaahinta Inooro FM in qadaraaslayaal badan ay katageen mashaariic badan oo dalka kasocotay maadama aysan wali helin qarashaadkii ey kushaqeyn lahaayeen.

Dhanka kale, Waxa uu shaaca kaqaaday in uu Shiinaha uu ku leeyahay deymo badan hadana uu madaxweynaha dalka Kenya uu markale weydiisan doono $1bn oo dollar isagoo qorsheynaya in waqti dheer lagu bixiyo lacagta lagu leeyaha dalka Kenya.

Dowladda Shiinaha ayaa dalka Kenya waxa ay kuleedahay $8bn ee deyn ah taasoo ay qaadatay dowladdii hore ee Uhuru Kenyatta uu madaxweynaha ka ahaa taasoo inta badan loogu talagalay in lagu bixiyo mashaariicda kaabayaasha dhaqaale.

Rigathi Gachagua oo ka hadlay ayaa sheegay in qarashaadka tirada  badan ee kubaxa madaxda dowladda isagoo sheegay in ey tahay sababta uu madaxweynaha u amray layareeyo safarada dibadda.

Toddobaadkii hore ayey ahey

Leave a Reply

Your email address will not be published.