Muqdisho (Raxanreeb) Ra’iisulwasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid oo bartiisa twitter-ka kaga hadlay mudo kororsiga Axmed Madoobe ayaa kaga hadlay waxa ka dhalan kara talabadadaas.
Cumar Cabdirashiid oo qoraalkiisa kaga digay waddada ay furi karto mudaddo kororsigaas ayaa sheegay in haddii aan hadda Dowlada ka hadlin ficilkaas ay keeni karto cawaaqib xumo isagoo su’aal galiyay haddii DFS ay la dhacsan tahay go’aanka iyo in kale.
Waxaa uu hadalkiisa ku bilaabay Cumar Cabdirashiid
“Waxa uurleeyda u roon ayaa uur ku jirkana u roon. Haddii Jubbaland muddo kororsigeedu uu la wanaagsan yahay DFS, waa inay DF caadi la noqotaa muddo kororsiga Maamul-goboleedyada kale sidoo kale,” ayuu ku bilaabay.
Waxa uu daba dhigay qoraalkiisa Ra’iisulwasaarihii hore ee dalka .
“Ku dhaqanka sharciga laguma adkayn karo qaar, qaarka kalena looma oggolaan karo inay adeegsadaan awood si dano gaar ah loogu gaaro.”
Ra’iisulwasarihii hore Cumar Cabdirashiid ayaa saxiib dhaw la ah , Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland oo mudado dheer maamulaya maamulka Jubbaland
Leave a Reply