RW Xamsa “muddo xilkeeda dowladda waa 5 sanno”

Muqdisho (Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in muddo xileedka dowladda madaxweyne Xasan Sheekh uu yahay 5 sanno, isla markaana uu cad yahay dastuurka la ansixiyay.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday Muqdisho, islamarkaana ka hadlayay xaaladda siyaasadeed ee dalka.

“waxaa jira siyaasiyiin doonaya in ay xasarado kiciyaan si dowadda uga horyimadaa, balse gacan bir ah ayaan ku qaban doonaa. muddo xileedka dowladda waa 5 sano meel looga baxo ma jirto, haddii la yiraahdo dastuurkii 2012-kii iyo kan hadda la ansixiyeyba“ ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa hadalkan ugu jawaabayay siyaasiyiinta mucaaradka ah oo sheegaya in waqtiga dowladda hadda jirta uu gabaabsi yahay, islamarkaana loo baahan yahay hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay.

Hadalka Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa ku soo aadaya xili xiisada siyaasadeed ay cirka isku sii shareereyso, isla markaana mucaaradka ay wadaan kulamo kala duwan oo ay uga arrinsanayaan sidii ay u wajihi karaan ugana hortagi karaan qorshaha muddo kordhinta ee madaxweyne Xasan Sheekh.

Leave a Reply

Your email address will not be published.