XOG | Itoobiya oo ciidamo kaga go’doonsan Baay & Bakool kala baxaysa

XOG | Itoobiya oo ciidamo kaga go’doonsan Baay & Bakool kala baxaysa

Doolow ( Raxanreeb ) Ciidamo aad u fara badan ayaa Dhawaan ka soo  gudbay xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya , gaar ahaan Degmada  Doolow .

Ciidankan ayaa xogta la helayo waxa ay sheegayaan in ay gaarayaan ku dhawaad kun askari kuwaas oo la sheegay in howlgalka ATMIS aysan qayb ka ahayn.

Xog ay heshay Raxanreeb ayaa sheegaya in ciidankan gurmad ay u yihiin ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah kuwaas oo ku go’adoonsan deegaano ka mid ah gobolada Baay iyo Bakool.

Ciidankan ayaa sahayda waxaa loogu geeyo diyaarado Helicopter ah sabab la xiriirta waddooyinka qaar oo miinaysan oo aan suurtagal ahayn  in gadiidka uu ku safro.

Kooxda Al- Shabaab ayaa  go’doomiyay deegaano badan oo gobolka Bakool ah halkaas oo keliya ay tagi karaan diyaaraha ciidanka ama kuwa dadka rayidka ah ay sidaan.

Ciidanka Itoobiya ee sanadaha badan ku go’doonsan ayaa la sheegayaa in markan dowladda Itoobiya  ay ka soo daabasho halkaas , ciidankana ay yihiin kuwa furi doono waddo suurtagal ka dhigi karta in ciidanka ay adeegsadaan.

Kol hore waxaa soo baxayay warar sheegaya in ciidankan cusub ee ka soo gudbay Degmada Doolow saldhig ciidan ay ka samaysan doonaan degmada Baardheere ee gobolka  Gedo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.