Muqdisho ( Raxanreeb ) Wararka RBC uu ka helayo garoomada diyaaradaha magaalooyinka qaar ayaa sheegaya in aan shaqayn oo laga degi karin.
Dad badan oo doonayay in ay u safraan gobolada qaar ayaa la xaqiijinayaa in ay u suurtagali wayday in ay tagaan magaalooyinka ay doonayaan ee gobolada qaar ee dalka sida ay inoo sheegeen dad safar ahaa oo aan la hadalnay.
Sababta ugu wayn ee arintan ayaa ah roob xoogan oo ka da’ ay magaalooyinka qaar oo sabab u noqday in garoomada qaar biyo ay fariistaan , taas oo keentay in diyaaradaha ay ka degi waayaan oo uu hakad galo isu socodka dadwaynaha ee safarka cirka.
Waxaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay in roobkii ka da’ay Dhuusamareeb , degmada Baardheere iyo magaalada Jowhar uu saameeyay shaqada garoomada Diyaaradaha, kuwaas oo u xirmay biyo farabadan oo galay Goobihii ay diyaaradaha ku degi lahaayeen .
Dad badan oo doonayay magaalooyinkaas ayaa ku xaniban magaalada Muqdisho , kuwaas oo qaarkood halkaan u yimid ganancsi iyo caafimaad , safarka keliya ee furan ayaa ah kan cirka maadama meelaha qaar lagu safri karin sabab amni darteeda.
Afar xilli roobaad ayaa dalka uusan ka di’in roobka, waxaana ka dhalatay abaar xooggan oo saameysay dad iyo duunyo, hayeeshee hadda uu toobka ka bilowday qaar kamid ah gobolada qaar ee dalka.
Leave a Reply