Al- Shabaab oo awood u yeelatay in ay la wareegto sadhigyadii ay ka baxeen ATMIS

Al- Shabaab oo awood u yeelatay in ay la wareegto sadhigyadii ay ka baxeen ATMIS

Baardheere (Raxanreeb ) Kooxda Al- Shabaab ayaa beegsi ku bilowday saldhigyo ciidanka ATMIS ay ku leeyihiin meelo ka mid ah dalka

Kooxda Al- Shabaab ayaa weerar ku qaaday markale saldhig dhawaan ay baneeyeen ciidanka ATMIS oo ku yaala deegaanka Garinlay ee gobolka Gedo.

Dagaal ayaa lagu soo waramayaa in ciidanka Jubbaland iyo kuwo Al- Shabaab ku dhaxmaray deegaankaas oo ay baneeyeen ciidanka ATMIS.

Dhawaan ciidamada Kenya oo kamid ah howlgalka ATMIS ayaa ka guuray degaanka Girileey, iyaga oo ku wareejiyay Ciidamada Jubbaland, hayeeshee tiro laba jeer ah ay weerareen Al-Shabaab.

Dagaalka ka dib ciidanka maamulka Jubbaland ee Gedo ayaa howlgal ka bilbaabay deegaanka si ay amniga u sugaan sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka.

Saraakiisha waxaa ay sheegeen inay sii socon doonaan howlgallada si ay uga hortagaan weerarada ay Al-Shabaab kusoo qaadaan degaanka Girileey oo muhiim u ah isku socodka Gobolada, Gedo iyo Jubbooyinka.

Dhawaan ciidamada Kenya oo kamid ah howlgalka ATMIS ayaa ka guuray degaanka Girileey, iyaga oo ku wareejiyay Ciidamada Jubbaland, hayeeshee tiro laba jeer ah ay weerareen Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.