Sarkaal Somaliland Ka Tirsanaa oo Ku Biiray Ciidamada Waqooyi Bari

Sarkaal Somaliland Ka Tirsanaa oo Ku Biiray Ciidamada Waqooyi Bari

Sanaag (Raxanreeb Online): Ciidamo ka tirsan Somaliland oo fadhigoodu yahay deegaanka Yubbe ee gobolka Sanaag, kuwaas oo uu hoggaaminayo Korneyl Cali Ashkato, ayaa la sheegay inay u goosteen dhinaca Waqooyi Bari.

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, Korneyl Cali Ashkato ayaa la sheegay inuu wato hal gaari oo qori ku rakiban yahay iyo ku dhowaad 10 askari oo ku hubeysan qoryo fudud.

Wararka ayaa intaas ku daraya in sarkaalku gudaha Yubbe kaga dhawaaqay inuu ku biiray Ciidamada Daraawiishta Waqooyi Bari, kaddibna isaga iyo ciidamadiisu ay u dhaqaaqeen dhanka jiidda Fiqi-Fuliye.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay deegaannada Sanaag ka jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo siyaasadeed oo la xiriira maamulka iyo ciidamadda ka howlgala gobolka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.