Aadan Madoobe oo Booqday Dadkii Ku Dhaawacmay Dagaalkii Baydhabo

Aadan Madoobe oo Booqday Dadkii Ku Dhaawacmay Dagaalkii Baydhabo

Baydhabo (Raxanreeb Online): Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa booqday dadkii ku dhaawacmay dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Baydhabo.

Aadan Madoobe ayaa isbitaalka ku booqday dhaawacyada, isagoo mid mid uga waraystay xaaladdooda caafimaad, una muujiyay garab istaag iyo daryeel.

Booqashada ayaa timid kaddib dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Baydhabo, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhinacyadii ku lugta lahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.