Shaqaallaha Wasaaradaha Dowladda oo loo fasaxay cabsi amni.

Shaqaallaha Wasaaradaha Dowladda oo loo fasaxay cabsi amni.

Muqdisho (Raxanreeb )  Maanta oo Talaada ah waxaa la fasaxay inta shaqaallaha Wasaaradda amniga Xukuumadda Federaalka  ka dib markii ay soo baxeen cabsi ku saabsan dhanka amniga.

Ilo- xog ogaal ah oo ku sugan Wasaaradda amniga ayaa RBC u sheegay in shaqaallaha wasaaradda lagu amaray in guryahooda ku laabtaan kuwa soo xaadirina loo sheegay in ay guryahooda joogaan.

Looma sheegin shaqaallaha Wasaaradda amniga inta ay soconayso digniintan amni ee la siiyo ama in ay keliya tahay  maanta.

Si mid ah Wasaaradda  Diinta & Awqaafta ayaa la fasaxay markii ay soo gaartay digniinta ku saabsan dhanka amniga.

Talaabadan ayaa imaanaysa iyadoo kooxda Al- Shabaab dagaal uu kaga furan yahay deegaani iyo degmooyin badan oo dalka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.