Sheegow & ciidankaas oo xukun adag lagu riday & dood ka taagan.

Sheegow & ciidankaas oo xukun adag lagu riday & dood ka taagan.

Muqdisho(Raxanreeb)Maxkamadda Ciidamada ayaa ku riday Sheegow iyo ciidamadiisa, Xukunno Isugu Jiro Dil, Mag iyo Sanado Xabsi Ciidan ah.

Sheegow Axmed Cali waxaa lagu Xukumay Bixinta Diyada Sakariye 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 Cali oo ku baxay Fal-celintiisa iyo magdhow siinta sarkaal xigeen Cabdullaahi Xuseen Cabduqaadir oo uu dhaawacay.

Axmed 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 Xasan (Abii Axmed ) taliyaha ciidamada Horjooge Sheegow ayaa isna lagu Xukumay Dil-toogasha ah, waxa uuna ku dilay jowhar Maxkamad ku taal laba eedeysane February 13-keedii sanadkan.

18 kale oo isla kuwii dagaalamay ayay Maxkamadda ku Xukuntay min 6-Sano oo Xabsi Ciidan ah.

Laba dhac gaystay ee fowdada ka bilaabatay ayaa iyana lagu xukumay 5-sano oo Xabsi Ciidan ah iyo Bixinta Telefoon-dii ay dhaceen.

Deeqow maal geliyaha kooxdan oo aan lahayn Diiwaan Ciidan ayaa lagu xukumay 3-sano oo Xabsi Ciidan ah.

Sidaas waxaa lagu daabacay goor dhawayd mareegta Garsoor oo ah isha warbaahineed ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Leave a Reply

Your email address will not be published.