duqeymo toos ah oo wali kasocda Gaza iyo xaaladihii ugu dambeeyay

duqeymo toos ah oo wali kasocda Gaza iyo xaaladihii ugu dambeeyay

Gaza (Raxanreeb) – Ciidamada Yuhuuda ayaa weli sii wada duqeymaha arxan darada ah ee ay ka geysayanaan magaalada Gaza, iyadoo dagaalka dhinaca dhulka ah ee u dhexeeya milateriga Israel iyo Xamaas uu sii socdo.

Diyaaradaha Israel ayaa duqeeyey dhismayaal guryo ah oo ku yaalla xerada Qaxootiga ee Bureij Magaalada Gaza.

Sidoo kale, Isbitaalka Al-Aqsa ee ku yaal bartamaha Gaza ayayu ku adkaatay inay kala soocaan dhaawacyada dadka nool iyo kuwa dhintay.

Dhanka kale, Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhintay duqeyntaas halka tiro kale oo ka badana ay ku dhaawacmeen duqeyntan sida ay sheegtay wasaarada caafimaadka ee Gaza

In ka badan 3,700 carruurta reer Falastiin ah ayaa lagu dilay muddo bil ah, kuwaasoo qeyb ka ah dad ka badan 9000 kun oo lagu xasuuqay Gaza.

Leave a Reply

Your email address will not be published.