Beledwayne (Raxanreeb) Magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay shir ay isugu yimaadeen Wasiirka Gaashaandhigga , Taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo Saraakiisha ciidanka Dowladda Federaalka.
Labada dhinac ayaa isla soo qaadaay dar dar galinta howlgalada ka dhanka ah Al – Shabaab iyo sii wadista howlgalada xilligan ka socda gobolka Hiiraan halkaas oo ay isku hayaan ciidanka Dowladda iyo Al – Shabaab.
kulanka ka dib ayaa masuuliyiinta Dowladda Federaalka waxa ay gaareen goobaha ay ka socdaan howgalada ee gobolka Hiiraan.
Mas’uuliyiinta ayaa Ciidamada dib u xureynta uga mahad celiyay sida ay ula dagaalameen Ururka Al-Shabaab iyo degaannadii ay kala wareegeen.
Dhankooda Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degaanad howlgalada ay ka socdaan ayaa sheegay in dib aysan u laaban doonin ilaa Al- Shabaab ay ka soo afjareen , isla markaana ay kala wareegaan meelaha ay ku sugan yihiin
Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Janeraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa Ciidamada ugu baaqay inay ka fikiraan in markale aysan kusoo laaban Al-Shabaab degaannadii laga saaray ee Gobolka Hiiraan.
Dhanka kale
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Mudane Yuusud Axmed Hagar ayaa kulan la qaatay Wasiirka Gashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Odawaa Yuusuf Raage oo shalay soo gaaray Magaalada Beledweyne
Si kastaba Saraakiisha Dowladda Federaalka ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa sheegay in meel wanaagsan ay marayaan howlgalada ka dhanka ah Al – Shabaa ee ka socda gobolkaas.
Leave a Reply