Yuusuf Dabageed ” Madaxda Dowladda ee imaanaysa Hiiraan yaysan ka soo galin daaqadda ”

Yuusuf Dabageed ” Madaxda Dowladda ee imaanaysa Hiiraan yaysan ka soo galin daaqadda ”

Beledwayne (Raxanreeb) Madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa sheegay in ay jiraan shaqsiyaad ka soo jeeda gobolka Hiiraan oo carqadalad ku haya maamulka Hirshabeelle iyo waxgaradkeeda.


Yuusuf dabageed oo wajigiisa ay ka muuqato cara fara badan ayaa sheegay in xubnaha Dowladda ka mid ah ee ka soo jeeda degaanka hormuud ay u yihiin xaaladaha ka jira gobolka Hiiraan kuwaas oo uu yiri ma jirto wax xushmad ah oo aan u hayo.


waxa jira ayuu yiri dabageed wasiiro iyo xildhibaano degaanka ah kuwaas oo waxa ay ka doonayaan gobolka Hiiraan kala tacaamulka Odayaasha iyo waxgaradka degaanka bedelkii ay la macaamili lahayeen maamulka gobolka Hiiraan.

“HirShabeelle waxaa dacaayadeynaya oo meel laga geeyo la la’yahay nimankii soo dhisay, waxay nimankaasi ku doodayaan HirShabeelle ma jirto ee ugaasyada halala macaamilo, war ugaasyada qarankaa lagala macaamilaa, laakiin siyaasadda HirShabeelle anagaa hadda naloo doortay,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle.


Yusuf Axmed Hagar daba geed ayaa ugu baaqay siyaasiinta iyo madaxda kale ee ka soo jeeda degaanka in ay ka hortagaan wax kasta oo la doonayo in lagu caraqaladeeyo maamulka Hirshabeelle.


waa uu sii hadlay oo waxa uu yiri siyaasiinta iyo madaxdeena joogta Muqdisho waa in ay la soo xiriiraan maamulka haddii sidan ay wax ku sii socdaana ma aha wax la ogolaan doono.


“Nimanka Xamar jooga halkaan nooguma tali karaan. Waxaan la yaabaa ninka maanta anigoo madaxdiisa ah aan ila shaqeyn ee doonaya inaan beri la shaqeeyo markii uu madax noqdo, ma dhici doonto taas, inuu iga xoog badaiyo ayaan kula shaqey karaa, kuwo wasiiro ah ayaa xitaa kacdoonka nagu wada ” ayuu yiri Yuusuf Dabageeed.


Si kasta maamulka Hirshabeelle ayaa marar badan waxaa uu sheegay in ay jiraan xubno ka mid ah Dowladda oo caraqalad ku haya maamulka

Leave a Reply

Your email address will not be published.