Shir Madaxda Afrika ugu furmaya Adis Ababa & qorsha Madaxwaynaha ee shirka

Shir Madaxda Afrika ugu furmaya Adis Ababa & qorsha Madaxwaynaha ee shirka

Adis Ababa (Raxanreeb ) Madaxda wadamada Afrika ayaa lagu wadaa in  magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya ugu furmayo meertada 36-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika.

Shirkan ayaa la xariira ka qayb-galka meertada 36-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika oo ka dhacaya Addis Ababa.

Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo madax kale, ayaa looga arrinsanayaa dib-u-habaynta Ururka Midowga Afrika, hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2063.

Madaxda Afrika ee ka qayb galaysa shirkan waxaa ka mid ah Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo isaga iyo wafdigiisa gaaray magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka Qaaradda Afrika iyo dadaalada Soomaaliya ee ku wajahan la dagaallanka argagixisada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.