SHIRARA : Dhaqdhaaqa siyaasadeed ee Madaxwaynaha Hirshabeelle.

SHIRARA : Dhaqdhaaqa siyaasadeed ee Madaxwaynaha Hirshabeelle.

Jowhar (Raxanreeb ) – Magaalada Jowhar ee Shabeellaha dhexe waxaa lagu soo gaba- gabeeyay shir looga hadlayay arrimaha doorashooyinka  golayaasha deegaanka.

Shirkan waxaa ka qayb galay madaxda gobolada iyo   degmooyinka maamul goboleedka Hirshabeelle waxaana la sheegaa inuu yahay shirkii ugu balaarnaa.

Munaasabadda lagu soo xirayay shirka ayaa waxaa goobjoog ahaa madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), labada gole ee Dowladda iyo marti-sharaf kale.

madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo ka hadlaayay madasha ayaa ugu baaqay shacabka kunool deegaannada Hirshabeelle inay garab istaagaan Maamulka, isla markaana ay ka qeyb qaatan sugida howlaha Nabadgalyada.

“Shirkan waxa uu muujiyay isbeddelka horumarineed ee Hirshabeelle, anagana waxaa naga go’an in la wada guulleysto” ayuu yiri Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Waxa uu shirkan sidoo kale meesha ka saaray warar ku saabsan in Hirshabeelle ay tahay laba garab oo la ogyahay in dadka  ku  nool magaalada Beledwayne aysan  raali ka ahayn Cali Guudlaawe.

Madaxwaynaha Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ka wada shirar kala duwan ujeedkooda waxaa lagu sheegay qancinta siyaaasiin reer Hiiraan ah oo aan ku qanacsanayn siyaasada Guudlaawe.

Leave a Reply

Your email address will not be published.