SOCUS RY oo ka dhisan dalka Finland oo qalab Sports guddoonsiisay Bulsho Youth Academey.

SOCUS RY oo ka dhisan dalka Finland oo qalab Sports guddoonsiisay Bulsho Youth Academey.

Muqdisho (Raxanreeb) Qalab sports oo heerkiisu sarreeyo ayaa  Hay’adda SOCUS RY oo ah Hay’ad ka shaqeysa dhiirri galinta iyo taageeridda dhallinyarada iyo bahda ciyaaraha waxay  ku wareejisay Bulsho Youth Academy oo ah Akadeemiyad magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Dayniile.

Maamulka, Macallimiinta iyo Taageerayaasha Bulsho Youth Academy ayaa u mahad celiyay Hay’adda SOCUS RY iyo maamulkeeda oo uu ugu horreeyo Guddoomiye Cabdulqaadir Axmed Macallin Cilmi (Qooje) iyo Cabdullaahi Maxamed Xasan iyagoo uga mahad celiyay sida xushmadda leh ee ay u garab istaageen dhalliyarada ay gacanta ku hayaan.

Sidoo kale waxay Maamulka, Macallimiinta iyo Taageerayaasha Bulsho Youth Academy ka codsadeen Hay’adda SOCUS RY in ay halkooda ka sii wadaan howshaan qiimaha badan ee ay u hayaan bahda ciyaaraha soomaaliyeed.

Bulsho Youth Academy waxay gacanta ku heysaa dhallinyaro fara badan oo ka kala yimid qeybaha kala duwan ee Gobolka Banaadir, kuwaasoo ay siiyaan tababar iyo wacyi gelin ku saabsan in aysan ka qeyb qaadan dhibaatooyinka dalka ka jira sida dagaallada iyo maandooriyaha dhibaatada ku haayo dalka iyo caalamkaba.

Si kastaba Bulsho Youth Academy ayaa waxay shahaado sharaf guddoonsiisay Guddoomiye Cabdulqaadir Axmed Macallin Cilmi (Qooje) iyo Cabdullaahi Maxamed Xasan oo ah maamulka Hay’adda SOCUS RY inkastoo uu Guddoomiyaha maqnaa waxaa u guddoomay Cabdullaahi Maxamed Xasan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.