MUQDISHO :Tirada qarax ismaadiim ah oo ka dhacay Ceelasha oo kordhay.

MUQDISHO :Tirada qarax ismaadiim ah oo ka dhacay Ceelasha oo kordhay.

Muqdisho (Raxanreeb )Warar  dheeraad ah ayaa  laga helayaa weerar loo adeegsaday bam gacmeed oo ka dhacay fariisin ay ciidanka xasilinta ku leeyihiin isgoyska deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Saraakiil  ka tirsan  Dowladda ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan la xiriira sida uu u dhacay qaraxan oo qalqal galiyay amniga deegaanka Ceelashabiyaha ee duleedka  magaalada Muqdisho

Afhayeenka ciidanka Booliska ayaa sheegay in ay jiraan askar ku dhimatay qaraxa halka kuwo kale-na ay ku dhaawacmeen kuwaas oo qaarkood helay  gurmad deg deg ah.

Waxa uu sheegay afhayeenka booliiska in ciidamada ammaanka ay wadaan baaritaanno ku aadan qaraxa goobta ka dhacay .

Al-Shabaab ayaa inta badan gudaha duleedka  magaalada Muqdisho ka fuliso weeraro iyo qaraxyo, waxaana ugu dambeeyay weerarkii ismiidaaminta ee shalay ka dhacay isgoyska Sayidka.

Xaaladda  halka qaraxa uu ka dhacay ayaa degan , waxaana socda baaritaan ay wadaan ciidanka booliska kuwaas oo doonaya in ay sugaan amniga duleedka caasimada oo falal amni darro ku soo noq noqday.

Ceelasha Biyaha ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta caasimada, kuwaas oo halkaas loo geeyay inay la socdaan dhaq-dhaqaaqa waxa soo galaya Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.