Somali Airlines oo La Filayo Inay Dib u Shaqeyso Bisha Soo Socota

Somali Airlines oo La Filayo Inay Dib u Shaqeyso Bisha Soo Socota

Muqdisho (Raxanreeb Online): Sida ay baahisay warbaahinta Bloomberg, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheynaysa in bisha soo socota ay dib u hawlgeliso shirkadda diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines, oo hawada ka maqneyd tan iyo sanadkii 1991-kii.

Dowladda ayaa sheegtay in shirkaddu ay dib u bilaabi doonto duulimaadyo toos ah, taas oo haddii ay hirgasho noqonaysa tallaabo lagu doonayo in dib loogu soo celiyo adeegga duulimaadyada qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer horey u shaacisay qorshayaal la xiriira dib u soo celinta Somali Airlines, balse qorshayaashaas qaar badan ma aysan noqon kuwo si buuxda u hirgala.

Somali Airlines oo muddo dheer ka maqneyd saaxadda duulimaadyada ayaa ahayd shirkaddii diyaaradaha qaranka ee Soomaaliya, waxaana weli jira rajo iyo xiiso ay dad badan u qabaan in mar kale la arko diyaaradda oo duulimaadyo caalami ah sameyneysa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.