Kalfadhiga labaad Golaha Aqalka Sare oo maanta la soo xiray

Kalfadhiga labaad Golaha Aqalka Sare oo maanta la soo xiray

Muqdisho (Raxanreeb ) Kalfadhiga labaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la soo xiray sida lagu sheegay qoraal goor dhow ka soo baxay Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha aqalka sare.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in kalfadhigan oo furmay 15kii Novembar ee sanadkii hore ayaa mudadii uu socday waxaa la horkeenay laguna asixiyey Hindise sharciyeedyo badan.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in kalfadhiga 3aad ee golaha aqalka sare uu furmayo 20 bisha soo socota ee May.

Kala fadhiigaan maanta soo xirmay ayaa soo billawday 15 Novermber sanadkii tagay ee 2022,waxaana uu xirmay Maanta oo ay Taariikhdu tahay 20 Maarso.

Intii uu furmaa kalfadhiyada Aqalka Sare waxa ay meel mariyeen  hidinse sharciyeed  dhawr ah kuwaas oo qaarkood uu saxiixay Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Si la mid ah shalay waxa xirmay fadhiyadii Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya kuwaas oo iyagana meelmariyay  sharcyo badan oo siyaabo kala duwan loo fasiray .

Inta badan sharciyada la meel mariyay waa kuwo uu saxiixay Madaxwaynaha halka  kuwo – kale wali ay yaalan xafiiska Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Leave a Reply

Your email address will not be published.