Somaliland ” nama quseyso tiro koobka Dowladda Soomaaliya”

Somaliland ” nama quseyso tiro koobka Dowladda Soomaaliya”

Hargaysa ( Raxanreeb ) ka dib markii dhawaan dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in guud ahaan dalka ay ka bilaabayso tiro koob ayaa arintaas waxaa ka hadlay xukuumadda Somaliland.

Warka ka soo baxay Somaliland ayaa lagu sheegay in iyaga ay ka yihiin kuwo madax banaan isla markaana ay yihiin dal ka madax banaan Soomaaliya.

“In aanay Qaranka Somaliland khusaynin Tiro koobka ay Soomaaliya ay ku dhawaaqday in ay waddo, maxaa yeelay Jamhuuriyadda Somaliland waa dal gaar u taagan jiritaan ahaanna ka horreeyey Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay xukuumadda Somaliland.

Waxa lagu sheegay Somaliland ay kala cadahay xuduudaha Somaliland oo ay leedahay afar xuduud oo lama taabtaan ah laguna soo xadgubi karin.

Hadalka ayaa ah mid jawaab u ah war la xiriira tiro koobka qaranka ee dadka iyo guryaha Soomaaliyeed ee maalmo ka hor ay ku dhawaaqday Dowladda Soomaaliya.

Somaliland ayaa sheegta in ay tahay dal madax banaan oo aan ka tirsanayn Soomaaliya mana jirto cid aqoonsatay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.