Hargaysa ( Raxanreeb ) Dowladda Hoose ee magaalada Hargaysa ayaa shaacisay in shaqaalle ka mid ahaa maamulka shaqadooda ay ku waayeen qaadasho laaluush.
Talaabadan ayaa timid ka dib markii qaar ka mid ah shaqaallaha Dowladda Hargaysa baaritaan ka dib lagu – helay in ay masuq maasuq sameeyeen isla markaana laaluush ay ka qaateen muwaadinii shaqo loo qaban lahaa.
Waa shaqaallihii ugu badnaa sida la sheegay oo ka tirsan Dowladda Hoose ee Hargaysa oo shaqadooda ku waaya arrimo la xiriira ku kicida musuq maasuq .
Hadalkan waxaa warbaahinta u xaqiiyay duqa magaalada Harhaysa Cabdikariin Axmed Mooge isagoo sheegay in aan loo dulqaadan doonin talaabooyinka noocaan oo kale ah oo ragaadinaya kalsoonida shacabka ay ku qabana maamulka jira.
Duqa magaalada Hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa sidoo kale dadwaynaha kula dardarmay in aysan ogolaan in ay bixiyaan laaluush , maadama xaq ay u leeyihiin in ay helaan adeegyada Dowladda ay bixiso.
Waa go’ aan aad u wanaagsan oo loo qaaday dhinac Dowlad wanaaga marka loo eego sida musuq maasuqa u saameeyay Dowladaha Afrika oo ay Soomaaliya ku jirto.
Leave a Reply