Somaliland ‘’ Tabashada dadka laascanood wada-hadal ayaa lagu dhameeynayaa ‘’

Hargaysa (Raxanreeb ) Magaalada Laasacnood ee gobolka Sool , waxaa in muddo ahba ka jiray xiisad sababtay dhimasho iyo dhaawac isla markaana magaalada ay la wareegaan shacabka ku nool magaalada.

Dhawr meel ayay iska hor yimaadeen ciidanka Somaliland iyo kooxaha Kacdoonka  ee magaalada , taas oo keentay in dib loogu riixo magaalada ciidanka Somaliland.

Hadda waxaa soo baxay war ku saabsan in xukuumadda Somaliland ay diyaar u tahay in qaab wada – hadal ah lagu dhameeyo , gacan ka hadalka ka jira wali magaalada Laascanood ee gobolka Sool.

Hadalka ku saabsan wada- hadalkan waxaa maanta oo Axad ah shaaciyay xubno wasiira ah  oo ku sugan magaalada Laascanood kuwaas oo u jooga xal ka gaarista gacan ka hadalka ka jira magaalada.

Waxa ay ku baaqeen xubnahan in dib loo furo , goobaha waxbarashada , ganacsiga iyo adeegyada kale ee muhiimka , iyaga oo hoos ka xariiqay in la sii daynayo dadka u xiran Somaliland ee lagu qabtay qalalaasaha ka jira magaaladas.

Sidoo kale waxay sheegen in xukuumadda Muuse Biixi ay bixisay magta dadkii dhintay, ayna xakamaysay ciidamada si khasaare kale looga fogaado.

Leave a Reply

Your email address will not be published.