Safarka Xasan Sheekh & Baydhabo waxa uu daaran- yahay.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Federaalka – Soomaaliya ayaa  la filayaa inuu socdaal ku tago magaalada Baydhabo ee gobolka Baay , halkaas oo ay ka taagan tahay hubinti la’aan siyaasadeed.

Wafdi horudhac u ah Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Axad ah gaaray magaalada Baydhabo.

Magaalada Baydhabo waxaa hore ugu sugnaa , wafdi kale kuwaas oo ujeedkoodu ahaa ka qayb-galka shirka dib u heshiisiiinta ee uu ku baaqay  Guddoomiyaha golaha shacabka.

Agaasime Hussein Sheikh Mohamuud ayaa ka mid ah wafdiga  maanta gaaray magaalada  Baydhabo ,si  halkaas ay ugu soo dhaweeyaan Madaxwaynaha Soomaaliya oo qeybgali doono Shirka Dib-uheshiisiinta Koonfur Galbeed.

Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya marka uu gaaro magaalada Baydhabo ayaa lagu wadaa inuu ka qayb qaato xal – ka gaarista muranka ka dhashay muddo xileedka Madaxwaynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen

Leave a Reply

Your email address will not be published.