Muqdisho (Raxanreeb online) – Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya Xasan Macallin Maxamuud, ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa safiirka dowladda Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya, Axmed Bin Maxamad Al-Muwalad.
Sidoo kale, Kulankan ayaa looga hadlaayay iskaashiga dhinacyada cadaaladda iyo garsoorka ee dowladaha Sucuudiga iyo Soomaaliya, gaar ahaan xaaladihii ugu dambeeyay ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee maxkamadaha Sucuudiga ku xukumeen xukuno dil ah.
Dhanka kale, Wasiir caddaalada Soomaaliya ayaa safiirka Sucuudiga u gudbiyay walaaca ay ka qabaan tirada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee lagu xukumay xukunada dilka ah.
Wasiirka ayaa waxa uu safiirka la wadaagay rabitaanka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan in xaaladaha sharci ee muwaadiniintaas laga wada hadlo, isla markaana ay wasaaradaha cadaaladda ee labada dal kala saxiixdaan heshiisyo iskaashi oo ku saabsan garsoorka. Heshiisyadaas ayaa ujeedadoodu tahay in lagu xalliyo xaaladaha noocaan oo kale ah, si loo dardargeliyo is-dhaafsiga eedeysanayaasha iyo xukun-sugayaasha labada dhinac.
Safiirka Sucuudiga, Al-Muwalad, ayaa Wasiirka Cadaaladda lawadaagay sida uu uga xun yahay xaaladaha soo cusboonaaday, sidoo kale, waxa uu xusay sida ay dowladdiisu uga go’an tahay in ay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan hay’adaha caddaalada, kala shaqeyso sidii iskaashi looga sameyn lahaa dhinacyada kor ku xusan.
Leave a Reply