Diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn oo ku dhacday deegaan ay ku sugan yihiin Shabaab

Diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn oo ku dhacday deegaan ay ku sugan yihiin Shabaab

Mahadaay ( Raxanreeb Online) Faah faahino dheeraad ayaa kasoo baxaya diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka oo ku dhacday deegaan hoostaga degmadda Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Diyaaradan Drones-ka ah, ayaa burburtay daqiiqado kaddib, Markii ay dhowr gantaal ku dhufatay deegaanka ay ku sugnaayeen kooxda Al-Shabaab oo aan ka fogeyn Cali Fool-dheere sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo dhanka Ammaanka ah.

Sidoo kale, Diyaarardan,  ayaa waxa ay ku dhacday Taawarka wayn ee Shirkadda is-gaarsiinta Hormuud ee deegaanka Cali Fool-dheere ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.

Weli saraakiisha ciidamada xoogga dalka eek u sugan degmada ma aysan bixin faaf faahin dheeraad ah oo ku saabsan shil diyaaradeed iyo waxa sababay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.