Xamse & Xasan oo ku kala aragti duwan dagaalka ka dhanka ah kooxda AS.

Xamse & Xasan oo ku kala aragti duwan dagaalka ka dhanka ah kooxda AS.

Muqdisho (Raxanreeb )- Dowladda Soomaaliya ayaa in mudda ah waxay sheegaysay in ay qaaday dagaal ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab isla markaana lagu guulaystay intiisa badan.

Dagaalkan oo la kowsaday doorashada Xasan Sheekh Maxamuud ka horna uu ka socday dalka ayaa Dowladda waxa ay sheegtay in dagaalkan uu ka duwan yahay kii hore.

Waxay sheegtay Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Xasan Sheekh Maxamuud in ay ka go’ an tahay sii wadista dagaalka ay kula jirto kooxda Al- Shabaab.

Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in wax keliya in wadada keliya ee u furan Dowladiisa ay tahay in dagaal ay ku qaado kooxda Al- Shabaab oo dhibaato ku haya dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

War kaas ka duwan waxa uu ka soo yeeray isagana Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo sheegay in dhankiisa diyaar ay la tahay inuu wada- hadal la furo kooxda Al- Shabaab.

Ra’iisul wasaaraha oo sii hadlayey ayaa sheegay in Dagaalka kaliya uusan xal ahayn isaga oo sheegay raadineynaa nabad, balse xalka ugu dambeeyain wuxuu noqon doonaa wadahadal waa haddii ay ka tanaasulaan fikirka Xagjirnimada.

Al- Shabaab ayaa muddo dheer waxa ay dagaal ay kala soo horjeedaa Dowladda Soomaaliya oo ay u aragto mid aan ku dhaqmayn diinta Islaamka waxaana marar badan ay fuliyeen qaraxyo dad badan ay ku dhinteen .

Leave a Reply

Your email address will not be published.