SOYAAL :  Cudadda ciidan ee Iraan oo xurguf ay kala dhaxayso Israa’iil.

SOYAAL :  Cudadda ciidan ee Iraan oo xurguf ay kala dhaxayso Israa’iil.

Tehran (Raxanreeb )- Iiraan waa dal islaami ah oo dhaca koofurta galbeed ee qaaradda Aasiya, waxayna soohdin la wadaagtaa 9 dal oo kala ah armeeniya, Asarbijaan, Ruushka,turkumanistaan, kasagistaan, bakistaan, Afgaanistaan, Turkiga , iyo Ciraaq.

Sidoo waxaa daanta koofureed ka xiga laba gacan oo kala ah gacanta beershiya, iyo gacanka cumaan, waana aag muhiim ah oo uu ku yaallaan marin biyood hormus, iyo badda kasbiyaanka.

Magaalooyinka ugu waaweyn ee Iiraan waxaa kamida Tehran oo ah Caasimadda, ayna ku noolyihiin ku dhawaad 8 malyan oo ruux, Mashhad, Isfahaan, iyo Karaaj oo ayaguna ah magaalooyin waaweyn.

Dadweynaha dalkani wuxuu tiro ahaan gaarayaa in ka badan 88 malyan ay boqolkiiba 80 in ka badani shiica yihiin, halka ku dhawaad boqolkiiba tobanina ay sunni yihiin, wuxuuna dalkani leeyahay kheyraad faro badan iyo dhaqaalo baaxad leh oo isugu jira gaaska dabiiciga ah, macdanta kala duwan, dhuxul dhagaxta, waxsoo saarka beeraha, iyo warshadaha.

Taariikhda Iiraan waxay ka soo bilaabmaysaa 7 kun oo sano ka hor dhalashadii nabi Ciise (CS), waxaana soo maray qaar kamida ilbaxnimooyinkii ugu waaweynaa ee dunida sida boqortooyadii faaris iyo middii miidiyiinta, iyo Bortooyadii Shaaha oo dalkaa xukumaysay 1501-1979-kii.

Sanadkii 1979-kii waxaa ka dhacay kacaan islaami ah oo hannaankii boqortooyada meesha looga saaray, waxaana talada koox militari iyo wadaadda isugu jira oo uu hoggaaminayay Aayatullaahi Alkhumayni.

BEDKA DHuLEED EE IIRAAN

Baaxadda dhulka Iiraan waxay gaaraysaa 1,648,195 kmr oo laba jibaaran, waana dalka 18-aad ee adduunka ugu weyn, waxayna ka koobantahay 31 gobol oo u sii kala qeybsan 5 is maamul, luuqadda rasmiga ah ee dalkuna waa beershiyaan.

CUDUDKA CIIDAN EE IIRAAN.

Iiraan waxay leedahay awoodda militari oo lixaad leh, waana dalka 15-aad ee caalamka ugu tunka weyn, waxayna tirada ciidanka dalkaasi gaaraysaa 587,000 shan boqol sideetan iyo todoba kun oo askari oo isugu jira ciidanka dhulka, kuwa badda, iyo cirka, halka ciidanka keydkuna ay gaarayaan 200,000.

Guutooyinka ilaalada kacaanka ayaa ugu caansan ciidanka Iiraan, waxayna tiradoodu gaaraysaa, laba boqol iyo toban kun oo askari(2,10000), sidoo kale waxaa jira kooxo ay taageerto sida Xuutiyiinta Yaman, ururka Xisbullaah ee lubnaan, Xamaasta falastiin, iyo kooxo ku kala sugan Ciraaq iyo Suuriya.

Dhanka qalabka Iiraan waxay ku hubaysantahay gantaallo balaastig ah oo casri ah, kumanaan taangi, diyaarado militari oo noocyada ugu dambeeyay ah, iyo maraakiibta dagaalka ka kooban 19 gunjis, 21 maraakiibta roondada samaysa ah, 1 markab oo nuuca miinooyinka baara ah, iyo raxan doomo dheereeya ah, waxaana sanadkii dhaqaale ahaan difaaca ugu baxday Iiraan ku dhawaad 25 bilyan oo doolar.

IIRAAN HORE DAGAALLO MA U GASHAY?

Intii u dhexaysay sanadihii 1980-kii illaa 1988-dii Iiraan waxay dagaalkii ba’an la gashay dalka deriska la ah ee Ciraaq, waxaana dagaalkaa loo yaqaanno dagaalkii koobaad ee Gacanka ku naf waayay 5,00000 oo labada dhinac isugu jira, wuxuuna socday 8 sano oo xariir ah

Leave a Reply

Your email address will not be published.