Doha (Raxanreeb )- Soddonkii sano ee ina dhaafay xiriirka Imaaraatka iyo Soomaalidu marxalado kala geddisan ayuu soo maray.
๐๐๐ซ๐ฑ๐๐ฅ๐๐๐ข๐ข ๐๐๐๐: Daneyn laโaan ay weheliso inyar oo kaalmo baniโaadanimo ah iyo fududeynta dhaqdhaqaaqyada ganacsi. ๐๐๐๐/๐๐๐๐.
๐๐๐ซ๐ฑ๐๐ฅ๐๐๐๐ข๐ข ๐๐๐๐: Danayn laโaan ay la socoto in colaadda Soomalida dhexdooda fursad ay kusii dabadheeraato la siiyo. Waa niyad xumi ku dhisan in dagaalka sokeeyo sii jiitamo. ๐๐๐๐/๐๐๐๐.
๐๐๐ซ๐ฑ๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐๐๐: Bixinta miisaaniyada duullaankii uu soo qaaday nidaamkii Tigreega ee salka ku hayey duminta Maxkamadihii Islaamiga ahaa. ๐๐๐๐/๐๐๐๐.
๐๐๐ซ๐ฑ๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐๐๐: Waa bilaabashadii faragelinta tooska ah ee arrimaha siyaasadda dalka.
๐๐๐๐/๐๐๐๐.
๐๐๐ซ๐ฑ๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐๐๐: Kala irdhayntii umadda Soomaaliyeed iyo iska horkeenka Dowlad Goboleedyada iyo Dowlada Dhexe. Sidoo kale, curintii fitno ka dhex alooska madaxda ugu saraysa dalka ee heer Federaal.
๐๐๐๐/๐๐๐๐.
๐๐๐ซ๐ฑ๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐๐๐: Isku daygii duminta dowladnimada iyadoo Caasimadda laga abaabulayo dagaallo sokeeye, isla markaana layska horkeenayo maamullada gobolada iyo dowladda dhexe. ๐๐๐๐/๐๐๐๐.
๐๐๐ซ๐ฑ๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐๐๐: Dib u burburintii iyo Kala daadinta ciidanka qaranka iyo kala dhantaalida wada jirka qaranka iyadoo la adeegsanayo wakiillo idman oo dowladda ku dhex jira.
๐๐๐๐/๐๐๐๐.
๐๐๐ซ๐ฑ๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐๐๐: Dib usoo kabashada iyo ka dhex saarista Imaaraadka ee arrimaha dalka, iyadoo laga duulayo fahamka iyo baraaruga dadweynaha, isla markaana la kaashanayo garaad-wadareedka bulshada.
๐๐๐๐/๐๐๐๐.
๐๐ฎ๐ง๐๐๐ง๐๐:
Mashruuca Imaaraatka ee Soomaaliya waa guur isku danaysi ku qotoma oo dhexmaraya qaswade doqon ah oo ka arradan garashada iyo hal abuurka, awoodna aan u lahayn inuu gaaro wax natiijo ah iyo mid nacas ah oo nacfi u leh, aanan lahayn wax sariigasho ah, una nugul shisheeyaha!
W.Q Fahad Yasin Hajji Dahir
Leave a Reply