Taliye Xijaar oo shaqada laga cayriyay waa kuma Taliyaha cusub ?

Taliye Xijaar oo shaqada laga cayriyay waa kuma Taliyaha cusub ?

Muqdisho (Raxanreeb ) Golaha wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Ganaraal Sulub Axmed Firin u magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Taliyahan ayaa bedeli doono Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo xilkan hayay 6-dii sanno ee la soo dhaafay.

Taliyaha cusub ayaa horay u ahaa Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Duulista Xukuumadda Soomaaliya.

Shirkii Khamiislaha oo ay Maanta yeesheen Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa lagu meelmariyey Magacaabista Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Xilka qaadista Xijaar ayaa ku soo aaday, xilli magaalada Muqdisho ay ku jirto xaalad ammaan darro, kadib markii ay kordheen weerarada qaraxyada ah iyo dilalka kala duwan ee ka dhacaya gudaha caasimadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.