Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho  maxaa ka socda ?

Muqdisho (Raxanreeb ) Dad deegaanka Ceelasha biyaha ku sugan ayaa RBC u sheegay in halkaas lagu arkayo askar badan oo Dowladda  Federaalka oo aan hore loo arki jiran.

Talaabadan ayaa ka danbeysay ka dib markii la sheegay in halkaas ay soo gaareen xubno hor leh oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay la geeyay sida xogta ay sheegayso deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Wadada xiriirisa Muqdisho iyo deegaanka Ceelasha biyaha waxaa xalay laga maqlayay rasaas , teel teel ah oo ay ridayeen ciidanka dowladda oo shaki ka qabay kooxda Al-Shabaab.

Xog ay heshay RBC ayaa sheegaysa in wadada siinka dheer laga qab-qabtay tiro badan oo dhallinyara oo ciidanka halkaas jooga ay sheegeen in ay ka shakiyeen.

Inta badan dadka ku nool deegaanka Ceelasha biyaha ayaa sheegay in cabsi ay ka qabaan dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ka biloday 24-kii saac ee la soo dhaafay halkaas ka jiray.

Culayska kooxda Al- Shabaab ka soo fuulay gobolada howlgalada ay ka socdaan ayaa – keenay tuhunka ah in xubnaha kooxda gudaha ay u soo galaan magaalada Muqdisho iyo duleedyada caasimadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.