Taliyihii NISA ee Gedo oo qarax lagu dilay.

Doolow (Raxanreeb ) Wararka RBC uu ka helayo deegaano ka mid ah gobolka Gedo ayaa sheegaya in qarax miino lagu dilay Taliyihii NISA ee gobolka Gedo Gaashaanle Sare Bakaal Kooke .

Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha qarax loogu xiray gaari uu saarnaa inta u dhaxeeysa degmooyinka Doolow iyo luuq  ee gobolka Gedo.

Goobta uu qaraxa dhacay , waxaa soo gaaray , ciidamo ka tirsan maamulka gobolka Gedo kuwaas oo howlgal ka fuliyay halka ay wax ka dhaceen.

Saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Gedo ayaa ku eedeyay kooxda Al – Shabaa in ay ku lug lahaayeen weerarka qaraxa ee lagu dilay Taliyaha.

Degmooyinka gobolka Gedo waxaa ka socda dadaalo lagu doonayo in lagu sugo amniga waxaana shalay degmada Baardheere ka dhacay kulan looga hadlayay amaanka degmooyinka Gedo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.