Tehran : Xabsi ay ku jireen suxufiyiin oo dab uu ka kacay.

Tehran (Raxanreeb ) Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya dab xooggan oo ka kacay xabsi ku yaala ,magaalada Tahren .

Xabsigan waxaa ku jira siyaasiin dad caan  ah  iyo siyaasiin, sida ay ku warameen warbaahinta dalka Iiran.

Waxaa aad loo – hadal hayaa sababaha keenay in xabsiga uu dab ka kaco , oo la og yahay in shaqsiyaadka lagu xiro oo ah kuwo aad u dhaliila xukuumadda.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in maxaabiista xabsiga ku xiran gubeen qeybo kamid ah xabsiga.

Gadiidka dab damiska ayaa la arkayay kuwaas oo ku dadaalaya sidii loogu  guulaysan lahaa in la damiyo dabkan ka kacay  xabigan.

Xabsiga Evin ayaa caan ka ah dalka Iran, waxaana xabsigan oo kuyaalla magaalada Tehran inta badan lagu xiraa siyaasiyiinta mucaaradka, suxufiyiinta iyo sidoo kale dadka kale ee ajaaniibta ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.