Ujeedka safarka Wasiirka Difaaca Jabuuti ee Soomaaliya

Muqdisho (Raxanreeb ) Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalka Jabuuti, Xasan Maxamed Cumar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Isniin ah soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdi waxa garoonka diyaaraha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay xubno sare sare oo ka tirsan Dowladda oo uu ka mid yahay Wasiirka difaaca Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga dalka Jabuuti ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubto ka tirsan ciidamada Xoogga dalka, kuwaas oo qayb ka ahaa soo dhaweynta loo sameeyay.

Jabuuti ayaa ka mid ah dalalka sida weyn uga qayb-qaata dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxayna ku jirtaa howlgalka ATMIS, ayadoo ciidamadeeda ay joogaan Hiiraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.