Xaaska Hoggaamiyaah ISIS-ta Soomaaliya Oo Xukun lagu riday.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Maanta oo Isniin ah Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida ayaa xukun  ku riday xaaska Hoggaamiyaha ISIS-ta Soomaaliya.

Xaaska hoggaamiyaha Daacish Cabduqaadir Muumin oo la sheegay in lagu magacaabo Fartuun Cabdirashiid Xuseen ayaa laga soo qabtay degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho.

Maxkamadda ciidanka Qalabka sida ayaa sheegtay in haweenaydan ay u qaabilsanayd kooxda Daacish u qaabilsanaanta arrimaha lacagta 21/03/2022.

Fadhigeedii u dambeeyay ee Maxkamadayn ayay soo dhamaysatay 17-kii January 2023.

Maanta ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Fartuun Cabdirashiid Xuseen 8-sano oo xabsi Ciidan ah , sida uu waraahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

2012-kii ayay Al-Shabaab Cabduqaadir Muumuin u direen wakiil ahaanshiyaha dhulka Bari ee Puntland, way la guurtay, waxa ayna ugu dhexeysay meelaha uu ku sugnaa inkastoo deegaan rasmi ah u ahaa Gaalkacyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.