Muqdisho (Raxanreeb ) Warbixin dhawaan lagu daabacay wargeyska The East African ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu doonayo in ciidamada ATMIS ay sii joogaan Soomaaliya labo sano dheeraad ah wixii ka dambeeya 31-ka December 2024-ka oo qorshuhu yahay in ay baxaan.
Laakiin, Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha, Xuseen Sheekh Cali, ayaa beeniyay sheegashadaas, waana xaalad muujineysa cakiranaan ku wareegsan masiirka howlgalka ATMIS-ka.
“Tani waa warbixin been abuur ah, dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in mas’uuliyadda amniga Soomaaliya ay ka qaado ATMIS maadaama ay u xilsaartay UNSC qaraarada 2628 & 2670 marka la gaaro December 31, 2024. Waxaan diiradda saareynaa wixii ka dambeeya ATMIS-ka,” ayuu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.
Dhinaca kale, mas’uuliyiinta Midowga Afrika ee ka socda dalalka ay ciidamadooda ka joogaan Soomaaliya ayaa todobaadkan kulan uga bilowda magaalada Kampala ee dalka Uganda, si ay dib u eegis iyo qiimeyn ugu sameeyaan howgalka.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si wada jir ah u taageeray go’aanka Midowga Afrika ee ah in la qaato hab istiraatijiyadeed oo tartiib tartiib ah, si lamid ah waax-qayb-qayb ah loo wajahayo dhimista ciidamada illaa ay askarta ay gabi ahaanba kawada baxayaan Soomaaliya dhammaadka sanadka 2024-ka.
Leave a Reply