Khartoum  oo gantaalo lagu garaacay markale

Khartoum  oo gantaalo lagu garaacay markale

Khartoum (Raxanreeb ) Wararka aan ka  helayno magaalada Khartoum ee dalka  Sudan ayaa sheegaya in markale dagaal uu ka qarxay Sudan, inkasta oo ay xabbad-joojin ku dhawaaqeen dhinacyada dagaallamaya.

Militariga Sudan ayaa la soo sheegayaa in  drone u adeegsadeen si ay dagaalyahannada uga celiyaan goob saliidda lagu sifeeyo oo ku taalla Bahri, oo ah magaalada saddexaad ee ku teedsan webiga Nile.

Rasaas iyo qaraxyo ayaa xalay laga maqlayey magaalada Omdurman, halkaasi oo ciidamada ay adeegsadeen diyaarado aan duuliye lahayn si ay u beegsadaan aagagga Dacmu Sariic,

Duqeymaha ayaa lala beegsaday kaabayaasha muhiimka ah, sida dhuumaha biyaha, taasoo la micno ah in dadka qaar lagu qasbay inay ka cabbaan wabiga Nile.

Mareykanka ayaa sheegay, inuu eegayo suuragalnimada inuu dib u bilaabo joogitaankiisii diblomaasiyadeed ee Suudan hase yeeshee wuxuu ku tilmaamay xaaladaha halkaas ka jira kuwo aad u adag,

Tan iyo markii uu dagaalka billowday 15-kii April, ciidanka Dacmu Sariic ayaa galay xaafadaha ay shacabka degan yihiin, waxaana militariga ay billaabeen inay dusha sare uga beegsadaan duqaymo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.